Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle oo Wada Qorshe lagu Tayeynayo Macallimiinta Hirshabeelle.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Maamulka Hirshabeelle ayaa Wada Qorshe Sare loogu Qaadayo laguna Tayeynayo Aqoonta Macallimiinta Wax ka Dhiga Dugsiyada Deegaanada Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Abuukar Xasan Abuukar  oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Hirshabeelle oo la Hadlay Warbaahinta Isnaay ee Magaalada Jowhar ayaa Sheegay in Macallimiinta oo ku Shaqeeya Daruufo Adag ay Mudan yahiin in laga Taageero Dhinaca Xirfadda Si ay u Soo Saaraan Ubad Waxbarasho Tayo leh Heysta.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdiwali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here