Man United oo Xasuuq Ba’an u Geysatay kooxda Turkiga ee Istanbil Basaksehir.

0
141

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa talaabo weyn u qaaday u soo bixitaankeeda wareega 16 ka Champions League ka dib markii ay ka aargoosatay kooxda Turkiga ee Istanbil Basaksehir oo ay 4-1 ku xaaqeen iyagoo marti ku ahaa garoonka Old Trafford.

United ayaa waxaa dhagahooda ka sii guuxayay guuldaradii ceebta aheyd ee ka soo gaartay kooxdaan yar kulankii ay booqdeen Turkiga ka hor kulamadii heerka caalami.

Tababare Solskjaer ayaa isbedel weyn ku sameeyay shaxdiisa isagoo ku soo bilaabay saxiixyadii xagaaga ee Alex Telles, Van de Beek iyo Edinson Cavani.

Laakiin xiddiga garoonka waxaa noqday hogaamiyahooda cusub Bruno Fernandes kaasoo labo gool dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta, iyadoo goolka koowaad uu yimid daqiiqadii 7aad markii karoos uu soo qaaday Alex Telles oo madax lagu sii taabtay uu helay Bruno Fernandes oo kubad gantaal ah shabaqa dhex dhigay aadna u qurux badan.

Man United ayaa daqiiqadii 12aad shabaqa ku soo taabatay kubad ay si wadajir ah uga soo shaqeeyeen Van de Beek, Bruno Fernandes, Cavani iyo Rashford laakiin waxaa loo diiday inay offside aheyd.

Bruno Fernandes ayaana hogaanka u sii dheereeyay Man United daqiiqadii 19aad markii karoos uu soo qaaday Telles uu taabtay goolhaye Mert Gunok laakiin waxaa kubada helay oo shabaqa ku taabtay Fernandes.

Waa goolashiisii 21aad ee 35 kulan uu u saftay Manchester United tartamada oo dhan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here