Joe Biden oo Sheegay in Mareykanka uu Diyaar u Yahay Hogaaminta Caalamka.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay in kooxdiisii qaabilsan xil la wareegistiisa ay wada shaqeyn wanaagsan ka helayso maamulka Trump, ka dib go’aanka soo daahday ee uu maamulka ku aqoonsaday guushiisii doorashada.

Madaxweynha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Mareykanka oo aan weli si rasmi ah guushiisa loogu dhawaaqin ayaa hadlay marki uu muddo aamunsnaa.

Tan iyo markii ay dhacday doorashada Mareykanka ee aan lagu kala bixin iyada oo madaxweyne Trump-na uu weli si cad u qiranin in laga guuleystay ayaa waxa uu Biden sheegay ‘Mareykanka inuu soo laabtay.” Wuxuuna intaasi ku daray ‘inuu diyaar u yahay dunida inuu hoggaamiyo.

Biden wuxuu durbadiba billaabay inuu qaar ka mid ah golahiisa wasiirrada uu magacaabo. Iyada oo qaar kalana la saadaalinayo inay ka mid noqonayaan golaha wasiirrada cusub.

Avril Haines, oo horay aqalka cad uga ahayd la taliyaha arrimaha ammaanka ayaa la xaqiijiyey iney noqoneyso haweeneydi ugu horreyey oo noqoto Agaasimaha Sirdoonka Qaranka.

Alejandro Mayorkas oo horay u ahaa ku xigeenka wasaaadda amniga gudaha uu noqonayo wasiirkii arrimha gudaha ee ugu horreeyey oo asal ahaan ka soo jeedo Laatiin America.

Joe Biden ayaa waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda u magacaabay Antony Blinken, xilkaas oo ah kan ugu muhiimsan siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

58-jirkan ayaa hore u soo noqday kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka iyo kuxigeenka lataliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barack Obama, markaas oo Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeen.

Antony Blinken ayaa soddonkii sanadood ee la soo dhaafay waxa uu soo qabtay xilal sarsare oo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here