Barcelona oo Si Raaxo leh Ugu Gudubtay Wareega 16 ka Champions league.

0
194

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa u soo gudubtay wareega 16ka Champions League ka dib markii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Dynamo Kyiv oo marti loo ahaa iyadoo tababare Koeman uu isbedelo badan ku sameeyay shaxdiisa islamarkaana soo safay xiddigaha keydka ee kooxda.

Lionel Messi iyo Frenkie de Jong ayaa la nasasiiyay kulankaan iyadoo Barcelona ay ku dhibtootay qeybtii hore ee ciyaarta inay shabaqa ka soo taabato kooxda reer Ukraine inkastoo ay kubada inteed badan heysteen.

Daqiiqadii 52aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta ayay Barcelona la wareegtay hogaanka ciyaarta markii uu daafaca Sergino Dest uu kubad uu ka soo shaqeeyay islamarkaana uu uga booday Braithwaite uu shabaqa ku hubsaday.

Waa goolkiisii ugu horeysay ee uu Dest u dhaliyo Barcelona, waana xiddigii Mareykan ee ugu horeeyay ee gool u dhaliya kooxda Catalans.

Shan daqiiqo ka dib Barcelona ayaa hogaanka sii dheereysatay markii koorno la soo qaaday uu madax ku taabtay xiddig fursad la siiyay markii ugu horeysay Champions League Oscar Mingueza waxaana shabaqa ku taabtay Martin Braithwaite.

Braithwaite ayaa daqiiqadii 70aad ciyaarta hurdo u diray isagoo gool rigoore ah u saxiixay Barcelona markii rigoorada isaga lagu galay oo lagu kala tuuray xerada ganaaxa, waana goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Griezmann ayaa gool afaraad ku soo qatimay ciyaarta markii uu Griezmann shabaqa ku taabtay kubad uu ka helay Jordi Alba.

Barcelona ayaa ciyaarta iska maamuleysay iyagoo aan tabin xiddigaha waa weyn ee ka maqnaa kulankaan, waxayna kubada heysteen celcelis ahaan boqolkiiba 70aad.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 4-0 oo ay Barcelona ku badisay iyagoo u soo baxay wareega 16ka madaama ay wada badiyeen afartii kulan ee ay ciyaareen Group G waxayna ku hogaaminayaan 12 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here