Joe Biden oo Magacaabay Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka.

0
140

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa waxa uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda u magacaabay Antony Blinken, xilkaas oo ah kan ugu muhiimsan siyaasadda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

58-jirkan ayaa hore u soo noqday kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha ee Mareykanka iyo kuxigeenka lataliyaha ammaanka qaranka ee maamulkii madaxweyne Barack Obama, markaas oo Mr Biden uu ahaa madaxweyne ku xigeen.

Sidoo kale waxa uu hore u soo qabtay xilal sarsare oo arrimaha dibadda la xiriira oo uu ka soo kala qabtay Capitol Hill, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibaddaba.

Waxaa la filayaa inuu maamulo ajandaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Joe Biden taas oo markale diiradda lagu saari doono sidii wadashaqeyn dhow uu dalkaas ula yeelan lahaa xulafada reer Galbeedka.

Markii uu madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu shaaciyay in Mr Blinken uu hogaamin doono siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Blinken waxa uu farriin soo dhigay bartiisa Twitterka.

Waxa uu u mahadceliyay saaxiibada iyo dadka ay shaqo wadaaagga yihiin ee farriimaha hambalyada ah u soo dirayay.

Waxa uu farriintaas ku sheegay inay sharaf u tahay inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo in loo magacaabay inuu noqdo Xoghayaha Arrimaha Dibadda. Waxa uu intaasi ku daray in haddii jagadaas loo xaqiijiyo uu howlgalkaas si buuxdo uga soo dhalaali doono.

Antony Blinken ayaa soddonkii sanadood ee la soo dhaafay waxa uu soo qabtay xilal sarsare oo siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxa uuna madaxweynaha la doortay Joe Biden kala talinayay siyaasadda dibadda tan iyo 2002-dii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here