Dhalinyarada Magaalada Jowhar oo Kahadlay Doorkooda ku Aadan Gurmadka Dadka ay Saameeyeen Fatahaadaha.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Deegaano iyo Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa hareeyay Fatahaadaha Wabiga Shabeelle kuwaasi oo sababay Qasaare isugu jira mid Hantiyadeed iyo mid Nafeedba inkastoo aysan Wali Muuqan Dadaalo wax Looga Qabanayo Fatahaadaha Hadana Waxaa Jira Qorshe loogu Gurmanayo Dadka ay Saameeyeen Fatahaadaha.

Qaar kamid ah Dhalinyarada Magaalada Jowhar oo la Hadlay Radio Isnaay ayaa Sheegay in ay Muujinayaan Doorkooda Ku Aadan Wax u Qabashada Dadka Danyarta ah ee Wali Ku Jira Deegaanada ay Fatahaadaha Saameeyeen.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdiwali Axmed Hilowle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here