Shacabka Mareykanka oo Toddobaadyo kadib Heli Doona Daawada Covid-19.

0
155

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Dadka Mareykan ayaa bisha soo socota ee Diseembar heli doona tallaalka COVID-19 sida laga soo xigtay madaxa barnaamijka taallaalka COVID-19 ee dalka Mareykanka Dr. Moncef Salaoui.

Dr.Salaoui ayaa sheegay in adeegsiga tallaalkan uu billaaban doono kaddib oggolaanshihiisa oo ku aaddan 11 ama 12 ka bisha soo socota.

Warkan bishaarada ah ayaa soo baxay xilli ay cirka isku sii shareereyso xaaladda caafimaad darro ee uu dunida u horseeday xanuunka Korona.

Mareykanka ayaa diiwaan geliyay in ka badan 12 milyan oo xaaladood oo xanuunka ah halka sidoo kalena uu diiwaan geliyay 255 oo qof oo u geeriyootay.

Tijaabooyin horudhac ah oo la sameeyay ayaa tilmaamaya in tallaalkani uu 94% waxtar u leeyahay dadka da’doodu ka weyntahay 65 sano.

Shirkadda Pfizer ayaa rajeynaysa in 50 milyan oo dhibcood oo tallaalkan ah ay soo saarto 2020-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here