Kooxda Liverpool Oo Cashar Taariiki ah U Dhigtay Leicester City, Diogo Jota Oo La Celin La’ Yahay.

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Liverpool ayaa soo bandhigtay mid ka mid ah qaab ciyaareedyadeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan iyagoo 3-0 ku xaaqay kooxda Leicester City xilli todoba xiddig oo waa weyn ay dhaawacyo iyo Korona Fayras kaga maqan yihiin.

Reds ayaa guusha uga mahadcelineysa gool uu iska dhaliyay daaficii hore ee Man United Jonny Evans iyo kubad madax aheyd oo uu dhaliyay xiddiga la celin la’ yahay Diogo Jota halka Roberto Firmini oo gool seddexaad ku soo qatimay  iyadoo Liverpool ay birta garaacday seddex jeer.

Natiijadaan ayaa ka dhigan in Liverpool ay soo gashay kaalinta labaad iyagoo ku dhibco ah kooxda hogaanka heysa ee Tottenham oo ay wadagaan 20 dhibcood iyadoo Spurs ay farqiga goolasha ku horeyso.

Rikoodhka kulamada Premier League ee aan Liverpool looga badinin garoonkooda Anfield ayaa haatan sii maraya 64 kulan.

Tababaraha Liverpool ayaa lagu qasbay inuu bedel u raadiyo todoba xiddig oo dhaawac uga maqan shaxdiisa isagoo ku soo bilaabay James Milner oo buuxiyay booska Alexander-Arnold halka Matip iyo Fabinho ay buuxiyeen boosaska ay ka dhaawacan yihiin Joe Gomez iyo Virgl van Dijk halka Kieta iyo Jones ay buuxiyeen boosaska ay ka dhaawacan yihiin Henderson iyo Thiago Alcantara halka Jota uu buuxiyay booska Mohamed Salah oo Korona Fayras uu ku dhacay.

Xiddigaha uu aaminay Klopp ayaana noqday kuwa u abaalguday tababaraha iyagoo qaab ciyaareed aad loola dhacay ku soo bandhigay garoonka Anfield.

Saxiixii xagaagan ee Liverpool Diogo Jota ayaa wacdarro dhigay isagoo bilowgii ciyaarta ku qasbay goolhayaha Leicester inuu badbaadin fantastik ah sameeyo si ka mid ah da’ yarka Jones ka hor inta aysan Liverpool hogaanka ciyaarta kula wareegin kubad koorno aheyd oo uu iska dhaliyay Jonny Evans.

Seddex daqiiqo markii ay ka harsaneyd qeybtii hore ee ciyaarta ayay Liverpool sii dheereysatay hogaankeeda markii uu kubad uu soo qaaday Robertson uu madax ku dhaliyay Diogo Jota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here