Arsenal Oo Labo Xiddig Ku Qasaartay, Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulankii Leeds & Arsenal.

0
144

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cidna uma cadeyn wixii ay Arsenal isku dayaysay inay sameyso, iyadoo haatan ay soo martay 450 daqiiqo oo aysan gool dhalinin horyaalka Premier League marka laga reebo rigoore ay dhaliyeen.

Waxay u muuqdeen kuwa difaac galaya bilowgii ciyaartaba iyadoo Leeds ay meel walba oo garoonka ah taagenyd, Waxaa ka sii xun in Aubameyang uu u muuqdo hooskiisa, inuusan ku badbaadin karin Gunners goolashiisa.

11 xiddig ama 10 xiddig Arsenal mar walba waxay aheyd mid liidata 90ka daqiiqo laakiin haddii aysan birta ahaan laheyd Gunners waxaa caawa looga badin lahaa seddex gool.

LABADA XIDDIG EE LAGU QASAARAY

Tan iyo markii uu Willian ka soo wareegay Chelsea waxa uu soo bandhigayay qaab ciyaareed laga niyadjabo, wuxuuna noqday xiddig ay ku qasaareyso Gunners. Cidna ma fahamsana sababta uu Arteta ugu soo bilaabayo kulan kasta inkastoo uu kulankii maanta uu bixiyay waqtigii nasashada,.

Xiddig kale oo isna ay Arsenal ku qasaartay waa Nicolas Pepe kaasoo ah xiddiga ugu qaalisan kooxda. Waxaa markii hore lagu dhib qabay qaab ciyaareedkiisa liita wuxuuna maanta ku darsaday inuu ku kacay fal aqlaad xumo ah oo kooxdiisa guuldarro u horseedi karay isagoo casaan ku qaatay inuu herdiyay ciyaaryahan kale.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Leeds: Meslier 6, Ayling 7, Koch 7, Cooper 7, Dallas 6, Phillips 7, Alioski 6, Raphinha 7, Klich 6, Harrison 7, Bamford 8

Bedel. Poveda 7, Rodrigo 7.

Arsenal: Leno 7, Holding 7, Gabriel 7, Tierney 6, Bellerin 6, Xhaka 5, Willock 5, Ceballos 5, Willian 4, Pepe 3, Aubameyang 5

Bedel. Nelson 4, Saka 5.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here