Sababta Ay Ciyaartoyda Serie A Sanad Walba Waqtigan oo Kale Rinji Casaan ah u Marsadaan Wajiga oo la Ogaaday.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Sida ay sannad walba sameeyaan ciyaartoyda horyaalka Serie A ayaa rinji casaan ah marsada wajiga todobaadkan oo kale iyagoo qeyb ka ah ololaha looga soo horjeedo tacadiyada lagula kaco dumarka.

Si ay wacyigelin uga sameeyaan tacadiyada loo geysto dumarka ciyaartoyda horyaalka Talyaaniga ayaa rinji casaan ah ku calaamadeeyay wajigooda.

Ololahaan ayaa sidoo kale ah mid ay ciyaartoyda sawir la soo galayaan xaasaskooda iyo saaxiibadooda kuwaasoo iyagana faruuryaha soo caseystay.

Ololaha looga soo horjeedo tacadiyada ka dhanka dumarka ee horyaalka Serie A waxaa sannadkan hor boodaya Alessandro del Piero iyo Marco Matarazzi.

Hal ku dhiga ayaa ah in casaan loo taago tacadiyada loo geysto dumarka.

Kulamadii horyaalka Serie A ee xalay la dheelay Juventus ayaa 2-0 ku xaaqday Cagliari iyadoo labada goolba uu u saxiixay Cristiano Ronaldo.

Lazio ayaa iyagana 2-0 waxay kaga badiyeen kooxda Crotone iyadoo labada gool ay labadii qeyb ee ciyaarta ay u kala saxiixeen Ciro Immobile iyo Joaquin Correa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here