Kooxda Atletico Madrid oo Xalay Guul-darro Kale U Xambaarisay Barcelona.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa guul ay u qalmaysay ka gaadhay Barcelona oo ay kusoo dhoweysay garoonkeeda Wanda Metropolitano.

Kulankan oo ay si weyn loo sugayay, isla markaana labada kooxood midba ay qiimo gaar ah ugu fadhiday guushu ayaa waxa uu kusoo dhamaaday 1-0 ay guushu ku raacday Atletico Madrid, waxaana goolkan madiga ah u dhaliyey Carrasco oo kubbad loogu tuuray dhinaca bidix meel cidlo ah kaga tegay goolhaye Ter Stegen oo soo baxay.

Guushan ayaa Atletico Madrid ay hoggaanka horyaalka kula qabatay Real Sociedad, halka Barcelona ay kaalinta 10aad ku jirto oo ay 11 dhibcood oo kaliya haysato.

Shaxdii labada kooxood

BARCELONA (4-2-3-1): Marc-Andre ter Stegen; Sergi Roberto, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Miralem Pjanic, Frenkie de Jong; Ousmane Dembele, Lionel Messi (c), Pedri; Antoine Griezmann.

Kaydka: Riqui Puig, Neto,  Carles Alena, Arnau Tenas, Philippe Coutinho, Trincao, Oscar Mingueza, Martin Braithwaite, Junior Firpo, Sergino Dest

ATLETICO MADRID (4-4-2): Jan Oblak; Kieran Trippier, Stefan Savic, Jose Gimenez, Mario Hermoso; Marcos Llorente, Koke (c), Saul Níguez, Yannick Carrasco; Angel Correa, Joao Felix.

Kaydka: Felipe, Thomas Lemar, Toni Moya, Diego Costa, Vitolo, Geoffrey Kondogbia, Sergio Camello, Ricard Sanchez, Ivo Grbic, Ivan Saponjic, Renan Lodi.

Barcelona ayaa daqiiqaddii saddexaad ee ciyaarta heshay fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta, markaas oo Dembele uu soo farsameeyey Hermoso, isla markaana uu Griezmann xerada ganaaxa la yimid kubadda balse laacibka reer France ayaan fursaddaas ka faa’iidayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here