Jowhar – (Radio Isnaay ) – Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka digtay duufaano kusoo fool leh deegaano ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan deegaannada Maamulka Puntland.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxaa lagu sheegay in laga bilaabo 19-kii Bishaan ay dabeylaha ka bilaawdeen Cirifka Waqooyi ee Badweynta Hindiya.
Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedineysa :- Maryama Shiikh Cabdi.