Kooxaha Man United vs West Brom oo Caawa Fooda Is Dari doona.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Manchester United ayaa raadinaysa guusheedii koowaad ee garoonkeeda  ee horyaalka Premier League xili ciyaareedkan, waxaanay Sabtida maanta mar kale u dagaallami doontaa sidii ay iskugu dayi lahayd inay West Brom noqoto kooxda ugu horreysa ee ay kaga badinayaan Old Trafford.

Red Devils ayaa xili ciyaareedkan mugdi ku gashay garoonkeeda, waxaanay Old Trafford ka heshay hal dhibic oo kaliya oo ka mid ah tobanka dhibcood ee ay haystaan, laakiin West Brom ayaa iyaduna dhibaatoonaysa, waxaanay halis ugu jirtaa inay heerka labaad u degto maadaama aanay xili ciyaareedka illaa hadda wax guul ah ka helin kulamadii garoonkeeda iyo kuwii martida intaba.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer oo culayskii saarnaa iskaga dejiyey guushii uu ka keenay kulankii Everton ee 3-1 ay ku garaaceen ka hor intii aan loo bixin kulamada caalamiga ah, waxa uu dagaal adag u mari doonaa sidii uu mar kale ugu celin lahaa libintaas.

Laakiin ciyaartoyda Red Devils oo u muuqda kuwo aan la saadaalin karin oo maalin ba qaab lama filaan ah la imanayay xili ciyaareedka illaa hadda, ayaa waxay laba guul-darro iyo ciyaar liidata oo ay kusoo bandhigeen Arsenal iyo Istanbul Basaksehir, waxay kaga soo kabteen guushii Everton, balse waxa ka horreeyey laba guulood oo ay ka keeneen kulamadii PSG iyo RB Leipzig, halka ay barbarro ku kala baxeen Chelsea.

Xogaha laga  diiwaangeliyey Manchester United xili ciyaareedkan ayaa ah kuwo argagax leh, waxaanay 12 dhibcood oo suurtogal ahaa ay ka keeneen mid kaliya, taas oo ah aan looga fadhiyin.

Arrinta kale ee walaaca leh ayaa waxay tahay in xili ciyaareedkan ay Manchester United tahay kooxda goolashii ugu badnaa lagaga dhaliyey garoonkeeda, sidoo kalena saddex kulan laga badiyey. Taas beddelkeeda, xili ciyaareedyadii 2013-14 & 2001-02 min hal kulan oo kaliya lagaga badiyey Old Trafford.

Haddii maanta laga badiyo amaba ay barbarro keento, Manchester United waxay u noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay shantii ciyaarood ee ugu horreeyey ku badin kari weydo garoonkeeda Old Trafford tan iyo xili ciyaareedkii 1972-73kii,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here