Dowladdaha Caalamka oo Dadaal ugu Jira Helidda Daawada Corona Virus.

0
131

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxaa isasoo taraya warar farxad leh oo ku saabsan tallaalka faayraska corona, iyada oo tijaabooyin lagu guuleystayna durbadiba la shaaciyey Balse waxaa isweydiin leh tallaaka ugu wanaagsan kan uu yahay iyo sida uuu shaqeynayo?

Dadka dunida ku nool badankood ayaa weli u nugul faayraska corona. Inkasta oo xayiraadaha dhawaan la soo rogay ay yihiin kuwa looga hortagayo dad badan iney cudurka u dhintaan.

Tallaalka wuxuu jirkeenna barayaa sida uu isaga difaaci karo faayraska corona, isla-markaana uu u joojin karo inuu qofka cudurka uu ku dhaco, ama ugu yaraan dhimashada cudurka uu sababo ay hoos u dhacdo.

Warka ugu weyn wuxuu soo baxay shirkadaha Pfizer/BioNtech marki ay shaaciyeen natiijada tijaabadoodi ugu horreysay ka soo baxday.

Tallaalkan ay soo saareen shirkadaha Pfizer/BioNtech wuxuu u baahan yahay in lagu keydiyo qabow gaaraya -70C oo cabbirka heer kulka ah, laguna qaado gaari tallaagad leh oo baraf qallalan sido isla-markaana GPS lagula socdo.

Tallaalkan oo noociisu yahay mid cusub oo loo yaqaanno RNA, waxaa loo isticmaalay xaddi aad u yar oo ka mid ah hidda sidaha faayraska. Habkan cusub uu tallaalkan u dhisan yahay ayaa ah mid jirka ka caawineyso faayraska marka uu billowga horaba uu faayraska jirka soo galo inuu la dagaallamo sidaana uu uga hortago cudurka inuu jirka ku sii baaqi ahaado.

Tallaalka RNA weli looma ansixinin in dadka loo isticmaalo, balse waxaa horay looga isticmaali jiray dadka dawooyinka heer tijaaba maraya lagu tijaabiyo.

Inkasta oo tijaabada tallaalka ay sameysay shirkadda Shiinaha ee Sinovac oo ka socday dalka Brazil tijaabadiisa la joojiyey kaddib marki ay dhaceen dhowr kiis oo dhimasha ah oo uu tallaalka ku keenay tabarrucayaal tallalka lagu tijaabiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here