Cristiano Ronaldo Oo Mas’uuliyad Uusan Waligiis Ka Qabanin Juventus Loo Dhiibayo Markii Ugu Horeysay

0
151

JOWHAR (Radio isnaay) Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa in laga dhigo kabtanka Juventus markii ugu horeysay todobaadkan.

Tababare Andrea Pirlo ayaa waxaa ka maqan xiddigo dhowr ah ka hor kulanka ay booqanayaan kooxda Cagliari taasoo fursad u ah Cristiano Ronaldo.

Kabtanka kooxda Giorgio Chiellini iyo ku xigeenkiisa Leonardo Bonucci ayaa labaduba seegaya kulanka Sabtida.

Dhibaato muruqa ah ayay labada daafac ku maqan yihiin taasoo keeneysa in Matthijs de Lugt iyo Merih Demiral inay ku soo wada bilaaban doonaan shaxda.

Caadiyan kabtanimada waxaa loo xiraa xiddiga waqtiga ugu dheer joogay kooxda.

Paulo Dybala iyo Juan Cuadrado ayaa hore loogu xushay kabtanimo laakiin Pirlo ayaa laga yaabaa inuu shaxdiisa ka reebo labada xiddig ee South America u dhalatay.

Waxaa intaas sii dheer in goolhayaha waayo araga ah Gigi Buffon inuuan ku soo bilaaban doonin madaama uu Wojciech Szczesny uu taam yahay.

Sida ay sheegtay jariirada Tuttosport maanta, Ronaldo ayaa noqon doona doorashada dabiiciga ah ee kabtanimada kooxda.

Inkastoo uu labo sannadood koox joogo hadana Ronaldo wuxuu heystaa khibrad badan oo uu ku soo qaatay Manchester United, Real Madrid iyo Portugal.

Waa kabtanka wadankiisa isagoo Portugal ku hogaamiyay hanashada koobka Qaramada Yurub ee 2016 inkastoo uu dhaawac ahaa finalkii.

Waxaa fursad loo siiyay inuu kabtanimada xirto bishii December ee sannadkii hore laakiin waa uu diiday.

Dad badan ayaa Ronaldo ku amaanay markii uu kabtanimada ku wareejiyay Blaise Matuidi kaasoo waqti dheer Juventus joogay, dhamaadkii kulankii ay ka badiyeen Udinese.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here