Dhaawacyo Hareeyay laacibiinta kala ah Sergio Ramos Iyo Raphaed Varane.

0
132

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Difaacyada dhexe ee Sergio Ramos iyo Raphael Varane ayaa dhaawacyo lagaga saaray kulamadii qaramada ee UEFA Nations League ee dalalkooda Spain iyo France ay ku karbaasheen Germany & Sweden.

Kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ciyaarta ka baxay qaybta hore oo aan dhamaanin kulankii ay ku xasuuqeen Jarmalka, waxaana uu dhulka fadhiistay iyadoo dhawr daqiiqadood ka hadhsan yihiin waqtiga uu garsooruhu afuufi lahaa siidhiga dhamaadka qaybta hore.

Tababare Luis Enrique ayaa ku qasbanaaday inuu beddelo kabtankiisa oo is hayaya muruqa lugta, xilli ay ciyaartoyda kale ee Spain kusoo urureen si ay u eegaan xaaladdiisa.

Eric Garcia ayaa fursaddan qaatay oo ka faa’iidaystay, waxaase uu dhaawacani madax xanuun ku yahay tababare Zinedine Zidane oo uu kusoo waajahan yahay toddobaad muhiim ah oo ay safarro ugu tegayaan Villarreal iyo Inter Milan.

Real Madrid oo si xun loo karbaashay saddexdii ciyaarood ee uu Sergio Ramos ka maqnaa ee Manchester City oo laba ciyaarood oo xili ciyaareedkii hore ah iyo Shakhtar Donetsk oo bilowdii xili ciyaareedkan ah ayaa ah waxa Zidane uu kasii walaacsan yahay inay mar kale ku dhacaan.

Dhinaca kale, difaaca dhexda ay wadaagaan Sergio Ramos ee Raphael Varane ayaa isagana la beddelay waqtigii nasashada ee kulankii Faransiisku uu 3-2 ku garaacay Sweden.

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa xaqiijiyey in Varane uu soo gaadhay dhaawac muruqa ah, sidaas darteedna uu u saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here