Gilberto Silva Oo Kooxdiisa Hore Ee Arsenal Usoo Jeediyey Inay La Saxiixdaan

0
154

JOWHAR (Radio Isnaay) Xiddigii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray Arsenal ee Gilberto Silva ayaa u tilmaamay naadigiisa hore, inay si degdeg ah uga hawl-galaan  laacib khadka dhexe ah oo wax badan kusoo kordhin kara haddii ay lasoo saxeexdaan.

Jack Grealish oo ah kabtanka khadka dhexe ee Aston Villa ayaa wacdaro ka dhigaya horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, isagoo fasal ciyaareedkii horena naadigan ka badbaadiyey inay dib ugu noqdaan heerka labaad.

Toddoba gool oo uu dhaliyey iyo shan caawimood oo uu raaciyey, waxa u dheerayd inuu si adag ugu halgamay kulamadii ugu dambeeyey dhamaadkii xili ciyaareedka oo uu ka badbaadiyey khatartii ay dib ugu noqon lahaayeen heerka labaad.

25 jirkan oo ay doonayaan kooxo badan oo ay ugu horreeyaan Manchester United iyo Manchester City ayaa bandhig indho-sarcaad oo kale ah ka sameeyey kulamadii caalamiga ahaa ee xulka qaranka, gaar ahaan ciyaartii Belgium oo uu ciyaartoygii ugu fiicnaa England.

Xili ciyaareedkan socda waxa uu saxeexay afar gool, shan caawimoodna way u dheer yihiin, waxaana uu ahaa laacibkii burburiyey Arsenal kulankii ay usbuuc ka hor ku karbaasheen 3-0.

Halyeygii khadka dhexe uga ciyaari jiray Arsenal ee Gilberto Silva ayaa usoo jeediyey Gunners inay si degdeg ah uga hawl-galaan Jack Grealish oo ay lasoo saxeexdaan inta aan looga hormarin.

“Grealish, waa cajiib. Wuxuu u muuqdaa inuu yahay ciyaartoyga ay Arsenal tabayso. Awooddiisa, waxa uu ka mid yahay wiilasha khadka dhexe ee kubadda quruxda badan ciyaari karaya. Kubadda ayuu maamulaa, caawiyaa, goolalna wuu dhalin karayaa.” Ayuu yidhi xiddigan hore ee reer Brazil.

Gilberto Silva oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Waxyar ayuu kaga duwan yahay Dennis Bergkamp, laakiin wuxuu noqon karaa mustaqbalka Arsenal.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here