Goolhayaha Leicester City Oo Dhaawac Halis ah uu Soo Gaaray.

0
110

JOWHAR (Radio Isnaay) Goolhayaha kooxda kubadda cagta Leicester City ee Kasper Schmeichel ayaa jug kasoo gaadhay madaxa intii ay socotay ciyaartii Denmark iyo Iceland.

Shilkan oo dhacay qaybtii hore, ayaa waxa goolhaye Kasper Schmeichel  ku dhacay, madaxana jilibka kaga dhuftay xiddiga qaranka Iceland ee Albert Gudmundsson oo ay la gaadhay kubbad baas dheer ahayd oo loosoo tuuray.

34 jirkan ayaa u muuqday inuu dawakhay oo uu miyirku ka tegay muddo kooban, laakiin nasiib wanaag daaweyn loogu sameeyey garoonka ayaa waxa uu awood u yeeshay in isagoo socda uu garoonka ka baxo, iyadoo lagu soo beddelay Frederik Ronnow.

Kasper Schmeichel ayaa laga dareemay deggenaansho la’aan iyo dawakhaad intii uu usii socday Tunnelka, waxaana laga cabsi qabaa inuu dhaawac kasoo gaadhay qoorta oo ay jugta madaxa kaga dhacday saamayn kaga yeelatay.

Denmark iyo Leicester City ayaanu midkoodna warbixin kasoo saaray dhaawaca soo gaadhay Kasper Schmeichel, xilli ay kusoo aaddan tahay ciyaar adag oo Axadda ay ku ballansan yihiin Liverpool, balse Foxes ayaa la rumaysan yahay inay rajo ka qabto inay heli doonto goolhayaheedan.

Xulka qaranka Denmark ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey helay goolka guusha ee 2-1 ay ugaga adkaadeen Iceland, waxaana rikoodhe ugu saxeexay Christian Eriksen, taas oo siisay fursad ay ugu soo gudbi karaan dhamaadka UEFA Nations League ee Group E.

Arbacada soo socota ayay la ciyaaari doonaan Belgium oo soo karbaashtay England habeenkii xalay, kana soo reebtay tartankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here