Xilliga ay Dhaceyso Doorashada Liibiya oo la Shaaciyay.

0
113

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaddib markii  la soo gabagabeeyay wadahadallo ay garwadeen ka aheyd Qaramada Midoobay oo ay yeesheen madaxda Liibiya ayaa waxaa ay Qaramada Midoobay shaacisay in dalka Liibiya ay ka dhici doonto doorasho Qaran bisha December ee sanadka soo socda.

Warkan ayaa sare u qaadaya rajada laga qabo in la soo afjaro dhibaatada toban sano jirsatay ee ee heysata dadka iyo dalka Liibiya.

Liibiya waxaa hareeyay fowdo iyo dagaallo sokeeye tan iyo 2011-kii markii la dilay kaligiii taliskii weynaa ee Mucamar Al-Qadaafi oo sababsaday dibadbaxyo waaweyn.

Maamullo iska soo horjeeda oo ay taageerayaan kooxo hubeysan iyo dalal shisheeye oo ka dhisan Bariga iyo Galbeedka Liibiya ayaa tan iyo 2011-kii isku heystay xukunka dalka Liibiya.

Warka ku saabsan doorashada ayaa lagu dhawaaqay shalay Jimcihii kaddib wadahadal qaatay muddo shan maalmood ah oo ka socday dalka Tuniisiya Waxaana wadahadalladaasi qeyb ka ahaa 75 Ergo oo ka socday Hay’adaha Dowliga ah iyo xubno kale duwan oo matalayay Urur Siyaasadeedyada kala duwan ee ka dhisan guud ahaan dalka Liibiya.

Shir jaraa’id oo uu qabtay sii hayaha Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Liibiya Stephanie Williams ayuu kaga dhawaaqay in dhinacyada kala duwan ee ka qeyb galay shirka ay isku raaceen in doorashooyin Qaran ay ka dhacaan dalka Liibiya 24-ka Bisha December ee sanadka 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here