Wabiga Shabeelle oo Markale ku Fatahay Deegaano Hoosyimaada Jowhar.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Saameynta Fatahaadaha Wabiga Shabeelle Ayaa Weli Dhibaato kuheysa Bulshada ku Nool Deegaano Ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe inkastoo Weli ay Fatahaaduhu ku Socdaan inta Badan Deegaanada Gobolkan Hadana Waxaa Jira Baaqyo ku Aadan Sidii Gurmad loogaarsiin lahaa Dadka ay Saameysay Fatahaada.

Tuulada Buulo Waraay oo qiyaastii 7Kiilo Mitir  u Jirto Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle Ayaa Mudo Saddex Cisho ah  Waxaa ku Socdo Biyaha Fatahaada ee Wabiga Shabeelle Kuwaasi oo Cagta Mariyay Dalagyadii u beernaa dadka kunool Tuuladaasi Sida uu Radio Isnaay u Sheegay Maxamuud Xasan Cilmi  oo ah GudoomiayhaTuulada Buulo waraay.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here