Natiijada Baaritaankii COVID-19 Ee  Ciyaariyahan Luka Modric Oo La Shaaciayay.

0
126

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga Real Madrid ee Luka Modric ayaa laga baaray xanuunka Korona Fayras kaddib markii uu fayraskani ku dhacay saaxiibkii Domagoj Vida oo la isku beddelay ciyaartii saaxiibtinimo ee waddanka Turkey, taas oo waqtigii nasashada la ogaaday inuu Vida qabay xanuunkan.

Modric oo qaybtii hore kaydka ku jiray ayaa beddel kusoo galay ciyaarta, waxaanay taasi shaki weyn ku abuurtay Real Madrid oo si dhow ula socotay haddii laacibkan la beddelay uu taabasho la sameeyey, isla markaana ka qaaday xanuunka.

Arrintan oo dhacday Arbacadii ayaa Luka Modric lagu sameeyey baadhitaano, si la mid ah ciyaartoyda kale ee xulka qaranka Croatia iyo Turkey intaba.

Sida ay muujisay natiijada baadhitaanku, Real Madrid ayaa war farxad leh ka heshay natiijada, waxaanay ogaatay in uu xiddigeedani badqab yahay oo uu u fasaxan yahay inuu sii wadan karo ciyaarta.

Inter Milan ayay tijaabadani ka nixisay, waxaana xanuunkan qaaday Marcelo Brozovic iyo qaar ka mid ah shaqaalaha tababarka oo Vida ay galaan-gal dhow lahaayeen, kuwaas oo hadda karantiil galay.

War-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Croatia ayaa lagu xaqiijiyey in Arbacadii magaalada Istanbul xanuunka lagaga helay Domagoj Vida, sidoo kalena Marcel Brozovic iyo mid ka mid ah shaqaalaha tababarku ay xanuunka kasii qaadeen.

Real Madrid ayaa hore xanuunkan ay uga qabeen saddexda ciyaartoy ee Eden Hazard, Casemiro iyo Eder Militao, waxaana sidoo kale halis ku jira ciyaartoyda kale ee ku maqan kulamada caalamiga ah oo daqiiqad walba ay suurtogal tahay inay xanuunkan soo qaadaan, si la mid ah ciyaartoyda kale ee kooxaha kale.

Xanuunkan ayaa noqday caqabadda ugu weyn ee dunidu waajahayso, iyadoo koox waliba wadnaha farta ku haysa daqiiqad walba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here