Dhibaatada Manchester United Oo La Sheegay Inay Dhaawac Maskaxda Ah Ku Keentay Paul Pogba.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) -Tababaraha xulka qaranka France, Didier Deschamps ayaa shaaciyey in kubadda sameeyaha waddankiisa ee Paul Pogba uu waqtigan ku jiro dhibaata maskaxeeda oo ka dhalatay natiijooyinka iyo ciyaar xumada Manchester United.

Deschamps ayaa qiray inuu hoos u dhac ku yimid ciyaarta Pogba, sababtii uu ugu soo bilaabay kulankii Finland ee 2-0 lagaga badiyeyna qayb ka ahayd inuu doonayo inuu kalsoonidiisa dib u dhiso.

Tababaraha xulka qaranka France ayaa yidhi: “Kuma jiro qaabkiisii ugu fiicnaa, dabcanna waan ogaa taas.” Ayuu yidhi Deschamps oo warbaahinta la hadlayay.

Tababare Didier Deschamps oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Kulankan waxaanu uga dan lahayn inaanu heerkiisa kor ugu soo qaadno. Wuxuu ogaa in kaliya uu hal saac ciyaari karayo. Way adag tahay in lagu xasuusto waxyaabihii wanaagsanaa. Way iska caddahay in aanu ku jirin waqtiyadiisii wanaagsanaa.”

Pogba oo ahaa xiddigii ugu qaalisanaa dunida markii uu Old Trafford dib ugu soo laabanayay sannadkii 2016kii oo ay Manchester United £89 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Juventus ayaa waxa uu xilli ciyaareedkan marar badan kasoo muuqday kaydka, iyadoo ay muuqato in tababare Ole Gunnar Solksjaer uu ka door bidayo xiddigaha kale ee uu haysto.

Laakiin Deschamps ayaa rumaysan in dhibaatada Pogba haysata ay ka dhalatay natiijooyinka iyo dhibaatada ay Manchester United ku jirto, waxaanu yidhi: “Si la mid ah ciyaartoyda kale ee koox aan ku jirin jawi wanaagsan, dhamaantood waxay saamayn ugu yeelataa si maskaxiyan ah. Anigu si wanaagsan ayaan u aqaanaa Pogba, waanay ku dhici karaysaa sidani.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here