Mareykanka oo Mudo kordhin u Sameeyay Maamulka Shirkadda Tik Tok.

0
119

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Mareykanka ayaa labo todobaad oo dheeri ah siisay milkiilaha barta TikTok si uu uxaliyo buuqa baraha bulshada hareeyay ee ku aaddan tabashooyinka ka soo yeeray maamulka Donald Trump ee la xiriira Amniga Qaranka Mareykanka.

Warqad ogeysiis ah oo ay Maxkamad heer Federaal ah u dirtay milkiilaha TikTok, ByteDance ayaa muujineysa in labo todobaad oo dheeri ah loogu daray wakhtigii hore loogu qabtay ByteDance ee ahaa 12-ka November iyada oo haatan wakhtiga kama danbeysta ah laga dhigay 27-ka bishan November.

Maamulka Trump oo ku andacoonaya in barta TikTok uu Shiinuhu u adeegsan karo inuu ku basaaso Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu gebi ahaanba xayiri doono Isticmaalka bartan ilaa inta laga iibinayo ganacsato Mareykan ah. Xayiraadda Trump ayaa lagu xiray inuu helo go’aan maxkamadeed si ay sharci u noqoto.

Muddo kordhintan oo ah tii ugu danbeysay ayaa waxaa sameeyay Guddiga Maalgashiga dibadda Mareykanka oo dib u eegis ku sameeya heshiisyada maalgashi ee shirkadaha waaweyn ee saameynta ku yeelan kara Amniga Qaranka Mareykanka.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in muddo kordhintan ay wakhti dheeri ah siin doonta Guddiga Maalgashiga Mareykanka iyo Milkiilaha TikTok fursad ku xaliyaan ku xaliyaan kiiskan si waafaqsan amarka dowladda.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ay sheegtay in ay dib u dhigi doonto fulinta siyaasadda Trump ee ka dhanka ah TikTok iyada u hoggaansameysa amarka Maxkamadda.

Todobaadkan ayey aheyd markii qaar kamid ah masuuliyiinta Mareykanka ay ku dhawaaqeen in aanay fulin doonin go’aanka Trump, balse maamulka Trump ayaa sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka Maxkamadda ee lagu horjoogsaday amarkii uu bixiyay Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here