Madaxweyne Trump oo ka soo Dabcay Mowqifkiisii Hore ee Doorashada.

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa ku guuleystay gobolka Georgia, Sida BBC-du sadaalinayso, waa musharraxii ugu horreeyay ee Dimuqraadi ah ee gobolkaasi ku guuleysta tan iyo sanadkii 1992.

Natiijada cusub waxay sare u sii qaadaysa guushii Mr Biden, isaga oo helaya ku dhawaad 306 cod ee codadka ergada dorashada, oo ah nidaamka Mareykanku ay u adeegsadaan doorashada Madaxweynaha.

Madaxweyne Trump waxaa la sadaalinaya in uu ku guuleysto gobolka North Carolina isago heli doona 232 codadka ergada doorashada. Mr Trump oo diiday in uu qirto in doorashada looga guuleystay ayaa markii ugu horeysay carabka ku dhuftay suurta galnimada xukuumad cusub in Aqalka cad hogganka u qabato bisha kowaad ee sanadka 2021-ka.

Isagoo u muuqda nin degan, Madaxweynuhu ma uusan qiran in laga guulaystay, mana uusan carabaabin Joe Biden. Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynuhu uu kasoo hormuuqda saxaafadda tan iyo intii doorashada ay dhacday, wuxuuna ka hadlayay xaalada cudurka coronavirus ee dalkiisa

xukuumaddan dalka bandaw ma gelin doonto,” ayuu yiri Mr Trump oo barxadda Aqalka Cad shir jaraai’d ku qabtay, iyadoo dalka uu wajahayo xaaladii ugu darnayd ee cudurku ku faafayo. ” waxaan rajeynaya…. Wax kasta oo dhaca Mustaqbalka -yaa garanaya maamulka uu noqon doono, waxaan filaya waqtiga ayaa sheegii doona.”

Madaxweynuhu su’aalaha kamuusan weriyeyaasha. Cadaadis ayaa kusii kordhaya Mr Trump, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, si uu u qirto in doorashada looga guulaystay isla markaana uu gacan ka geysto diyaarinta nidaamka xilwareejinta iyo caleema saarka maamulka cusub.

Madaxweyne Trump ayaa waxaa uu bilaabay dacwado ka dhan ah gobolada muhiimka isagoo soo bandhigay eedaymo aan la xaqijinin ee ku saabsan wax isdeba marin doorasho oo baahsan. Kooxdiisa ayaa maalinkii jimcaha waxey dacwad geysay gobolka Arizona kadib markii la ogaaday in ninka xifaaltanku kal dhexeyo uu codad badan kaga horeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here