Luis Figo Oo Farriin U Diray Lionel Messi:

0
131

JOWHAR (Radio Isnaay) Luis Figo ayaa soo jeediyey in qalbiga Lionel Messi uu dhaafsiisan yahay Barcelona oo uu yahay mid meel kale jira, xilli uu sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa ku qaadanayo Camp Nou.

Xiddiga reer Argentina ayaa xagaagii dhowaa u gudbiyey maamulka kooxda codsi uu ku doonayay inuu iskaga tago, balse muran dhashay ayaa ku qasbay inuu sii joogo, si meesha looga saaro in maxkamad la isla tiigsado.

Xili ciyaareedkan, Messi ayaa bandhiggiisa ciyaareed ka hooseeyaa midkii looga bartay, waxaanu dhaliyey hal gool oo kaliya oo ciyaar furan ah kulankii Real Betis ee usbuucii hore, balse waxa kale oo uu goolal u beddelay rikoodheyaal.

Luis Figo oo waqti wanaagsan kusoo qaatay Barcelona ka hor intii aanu go’aansanin inuu u wareego Real Madrid sannadkii 2000, taasina keentay in xiisadda iyo colaadda u dhaxaysa labada kooxood ee ugu tunka weyn Spain ay cirka isku sii shareerto ayaa waxa uu markan kula talinayaa Messi inuu raaco wixii qalbigiisa ku jiro.

Isaga oo waraysi siinayay wargeyska Marca, waxa uu Figo yidhi: “Waxaan daawaday arrinta Messi iyo isku-daygiisii inuu ka tago Barcelona xagaagan, si la mid ah taageereyaasha kale ee kubadda cagta: Waxay ahayd mid layaab leh.

“Wuxuu haystaa waxyaabo isaga si gaar ah u dhiirigelin kara iyo sababo uu go’aankaas ku gaadhay. Ma garanayo wixii kale ee dhacay.

“Koox kasta waxay doonaysaa inay haysato ciyaartoy Messi oo kale ah, laakiin waxay ku xidhan tahay xaaladaha dhaqaale ee waqtigan ay koox waliba haysato, lacagta uu ku kici karo mushaharkiisu, doonista ciyaartoyg…

“Laakiin si guud, nolosha, haddii aanad doonayn inaad meel joogto, ma jiri karaan cid beddeli karta maskaxdaada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here