QIIMAYN: 20-ka Saxiix Ee Ugu Fiican Ee Kooxaha Premier League Xagaagii Sameeyeen.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaddib markii ay bilaabmeen kulamada caalamiga ahi, hadda waxa hakad la geliyay kubadda cagta heer kooxeed waana wakhtigii ku haboonaa ee qiimayn lagu samayn lahaa dhinacyo kala duwan waxaana markan la qiimeeyay saxeexyada ugu fiican ee ay kooxaha Premier League xagaagii sameeyeen.

Walow kaliya siddeed kulan oo wakhti aan qiimayn buuxda lagu samayn karayn ah la ciyaaray haddana saxeexyada qaar ayaa durba jaanta la helay kooxahooda halka kuwo kale ay gaabis yihiin.

Shabakadda GIVEMESPORT ayaa haatan qiimaysay 20-ka saxeex ee ugu fiican ee ay kooxaha PL sameeyeen xagaagii dhawaa iyadoo aysan ciyaaryahanada kooxaha qaar gabi ahaanba ku jirin.

Kaalinta 1-aad ayuu xorraystay James Rodriguez oo gabi ahaanba bedelay Everton kaga dhigay koox tartanta waxaana booska labaad kusoo baxay Diogo Jota oo Liverpool wacdarro ku dhigaya isla markaana kasoo dhalaalay Premier League iyo Champions League labadaba.

Booska saddexaad ayuu soo galay weeraryahanka Aston Villa ee Ollie Watkins oo ay Villa 28 Milyan oo Pound kaga soo heshay Brentford halka uu kaalinta 4-aad helay Benjamin Chilwell oo xaliyay dhibaatadii daafaca bidix ee Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here