Gini Wijnaldum Oo Toos Ugu Tilmaamay Liverpool Daafaca Ay Suuqa Oo Xiran Sida Bilaashka Ah Kula Saxiixan Karaan

0
156

JOWHAR (Radio Isnaay) Khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa la xusayaa inuu kooxdiisa kula taliyay inay samayso saxeexa daafaca ay Netherlands iyo Newcastle United kasoo wada tirsanaayeen ee Daryl Janmaat oo hadda xor ah isla imikana lala saxeexan karo suuqa oo xidhan.

Liverpool ayaa isha ku haysa xalinta dhibaatooyin daafac oo soo food-saaray kaddib markii dhaawacyo mudo dheer ah loo jaray Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez oo labaduba jilibka wax ka noqday.

Taas ayaa ka dhigan in Joel Matip uu yahay daafaca kaliya ee kooxda waaweyn ee Liverpool ka tirsan ee uu Jurgen Klopp isaga oo taam ah hadda kooxdaas ku haysto.

Daafaca midig ee Trent Alexander Arnold ayaa isaguna ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay ee ay Manchester City bar-bardhaca 1-1 ka ah lasoo galeen taas oo heer kale geynaysa madax xanuunka Klopp.

Daryl Janmaat ayaa lala xidhiidhinayay inuu heshiis mudo gaaban ah ugu biiro doono Anfield kaddib markii uu kooxdiisii hore ee Watford iskaga tagay bishii hore.

Janmaat iyo Gini Wijnaldum ayaa kusoo wada ciyaaray gegida Newcastle ee St James’ Park, il-wareedka caanka ah ee TEAMtalk ayaa hadda xusaya in Wijnaldum uu madaxda Liverpool oo kala tashatay arrimaha Janmaat war wanaagsan uga sheegay.

Haddiiba dhaawaca Van Dijk la filayay inuu qaadan doono inta xilli ciyaareedka ka hadhay oo dhan, midka Gomez qudhiisa ayaan ka yaraysan waxaana ay u badantahay inuu badi inta xilli ciyaareedka ka hadhay banaanka ka ahaan doono garoomada.

Klopp ayaa rajaynaya inuu dhawaan dib usoo dhaweeyo Fabinho oo asal ahaan bur-buriye khad dhexe ah balse booska daafaca dhexe kasoo dhalaalay kulamo badan oo uu ka ciyaaray balse dhawaanahan dhaawac ku maqnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here