Biljimka oo Tallaabo ka Qaaday Dad Doonayay in ay Gubaan Kitaabka Qur’aanka.

0
153

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dowladda Beljimka ayaa ceyrisay 5 qof oo u dhashay dalka Denmark kuwaasi oo aaminsan fikirka midig fog  waxaana laga mamnuucay muddo sanad ah qorsha ay ku doonayeen inay ku gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka.

Falkan ayay doonayeen inay ka sameeyaan magaalada Brussels gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta.

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi ayaa raggan ku tilmaamay “inay halis ku yihiin nidaamka iyo kala dambeynta”.

Sida ay 5 nin ku xuseen bog ay barta facebook ku leeyihiin waxay xiriir la leeyihiinsiyaasiga midig fog ee u dhashay dalka Denmark kaasi oo lagu magacaabo Rasmus Paludan.

Mr Paludan ayaa qudhiisa laga ceyriyay dalka Faransiiska Arbacadii ka dib markii uu muujiyay in uu doonayo in Kitaabka Quraanka uu ku gubo magaalada Paris.

Horraantii sanadkan ayaa siyaasigani xabsiga la dhigay muddo bilooyiin ah dalkaasi Denmark ka dib markii lagu eedeeyay in uu u gefay Islamka, islamarkana uu muuqaalo ka dhan ah Islamka uu so dhigay baraha bulshada uu xisbigiisa Stram Kurs .

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa waxay booliiska, Belgium 5 qof uga shakiyeen inay qorsheynayaan in Kitaabka Quraanka ku gubaa degamada Molenbeek-Saint-Jean oo ka tirsan caasimada Brussels, sida ay warbaahinta maxaliga sheegtay.

Booliiska ayaa 5 qof su’aalo waydiiyay islamarkna waxaa kiiskooda loo bandhigay dacwad oogaha dalkaasi, sida ilo wareedyo ay ka soo xigatay wakaalada wararka ee AFP

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Beljimka Sammy Mahdi ayaa qudhiisa ah wiil uu dhalay nin Ciraaqi ah oo qaxooti ahaa, waxaa uuna soo dhaweeyay xarigga raggan iyo in dalka laga ceyriyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here