Sideed Adiga Oo Real Madrid Dalab Ka Helay Chelsea Ugu Biirtay?

0
114

JOWHAR (Radio Isnaay) Da’yarka ahna saxeexa cusub ee kooxda Chelsea ee Kai Havertz ayaa ka hadlay dalab uu suuqii xagaaga ka helay dhinaca kooxda Real Madrid kahor intii uusan Stamford Bridge ka degin.

Bayer Leverkusen ayaa caan ku ah soo saarista xiddigaha hibada weyn ku leh kubadda cagta balse xulasho ahaan ayaa Havertz lagu sifayn karaa mid kamida kuwa ugu fiican ee ay soo saartay.

Mid kamida kooxaha ay indhahooda qabatay tayada Kai ayaa ahayd Real Madrid oo dalabaad ka gudbisay walow aysan suuqii dhawaa gabi ahaanba wax saxeex ah samayn.

Havertz ayaa doortay inuu lacag 89 Milyan oo Pound ah ugu wareego dhinaca Blues isagoo qaab ciyaareed cajiib ah kula bilawday kooxda tababare Frank Lampard kahor intii aan dhawaan laga helin xanuunka saf-marka ah ee Korona Fayras.

Haatan wargeyska Bild oo waraysi ka qaaday Havertz ayaa weydiiyay inuu Real Madrid dalab ka helay balse uu taas bedelkeeda Chelsea ku biiray waxaana uu ku jawaabay jawaab cajiib ah oo ah in koob uu la qaado Chelsea ay ka dhigantahay mid ka weyn koob uu koox kale la qaado.

“Koob aan la qaado Chelsea waxa uu u qalmaa wax ka badan (Kooxaha kale), aniga muhiim bay ii ahayd inaan doonto koox aragti fog leh” ayuu ku jawaabay Havertz oo wax laga weydiiyay dalabkii Real Madrid.

“Waxaanu nahay koox yar oo leh ciyaartoy badan oo cajiib ah kuwaas oo si hammi leh u fikiraya, waxaanu doonaynaa inaanu halkan wax dhisno oo aanu weerartano”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here