Joe Biden oo Muhiimadda Koobaad Siinaya Ladagaalanka Covid-19.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden, ayaa la dagaalanka cudurka Covid-19 ka dhiganaya muhiimadda koowaad ee maamulkiisa kaddib markii uu doorashadii dhawaan dhacday kaga adkaaday Donald Trump.

Biden ayaa doonaya in shacabka Mareykanka dhammaan laga baaro fayraska koroona isla markaana af-saabidda laga dhigo mid khasab ah.

Arrimaha kale ee Biden u qorsheysan waxaa ka mid ah, dardargelinta kobaca dhaqaale ee Mareykanka, latacaalidda cunsuriyadda iyo arrinta isbadalka cimilada adduunka.

Madaxweyne Trump ayaa ilaa hadda diidan in uu ogolaado in laga guuleystay, waxa uuna ku adkeysanayaa in doorashadaasi uu isaga ku guuleystay balse gobollada qaar ay ka dhaceen khaladaad dhanka doorashada ahi.

Haseyeeshee xisbiga Dimuquraadiga ayaa hadda ku hawlan qorshihii ay xukunka dalka kula wareegi lahaayeen 20-ka bisha Janaayo ee sanadka dambe.

Qorsheyaashaasi waxaa ka mid ah in la diyaariyo dhawr wareegto oo madaxweyne oo aan u baahnayn ansixinta labada aqal ee baarlamqaanka dalkaasi, kuwaa oo looga gol-leeyahay in lagu laalo dhammaan amarradii uu Trump horey u soo rogay.

Tallaabooyinka u qorsheysan waxaa ka mid ah;

Madaxweynaha la doortay ayaa wacad ku maray in wax weyn uu ka badali doono qaabka maamulka Trump uu u wajahay cudurka Covid-19,

waxaana uu doonayaa in la dhaqan geliyo sharci dadka ku amrayo in ay af-saabtaan isla markaana joogteeyaan in ay kala fogaadaan.

Sidoo kale Biden wuxuu qorsheynayaa in shacabka dalkiisa ay helaan baaritaan iyo daryeel caafiamad oo lacag la’aan ah oo lagula dagaallamayo cudurkan dunida saameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here