Arsenal Oo U Dhacday Kaalinta 11aad iyo Aston Villa Oo Soo Afjartay Farxaddii Arteta.

0
124

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Aston Villa ayaa karbaashtay Arsenal oo ay marti ugu ahayd garoonka Emirates Stadium, waxaanay ugu dhiibtay 3-0.

Villa ayaa soo afjartay waqtigii farxadda ee tababare Mikel Arteta, waxaana daqiiqaddii koowaad ee ciyaarta ay kaga naxsatay gool uu dhaliyey John McGinn oo hubintiisu ay muddo qaadatay, kaas oo markii dambe meesha laga saaray.

Goolka koowaad ee rasmiga ah ee Aston Villa hoggaanka u dhiibay ayaa waxa iska dhaliyey difaaca da’da yar ee Arsenal ee Bukayo Saka. Qaybtii dambe ee ciyaarta ayey Aston Villa si degdeg ah guusheeda u xaqiijisatay markii uu Ollie Watkins u dhaliyey laba gool oo kale oo saddex daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen.

ASTON VILLA (4-2-3-1): Emiliano Martinez; Matty Cash, Ezri Konsa, Tyrone Mings, Matt Targett; Douglas Luiz, John McGinn; Trezeguet, Ross Barkley, Jack Grealish; Ollie Watkins.

Kaydka: Neil Taylor, Jed Steer, Conor Hourihane, Marvelous Nakamba, Anwar El Ghazi, Ahmed Elmohamady, Keinan Davis.

ARSENAL (3-4-3): Bernd Leno; Rob Holding, Gabriel, Kieran Tierney; Hector Bellerin, Thomas Partey, Mohamed Elneny, Bukayo Saka; Willian, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Dani Ceballos, Runar Alex Runarsson, Ainsley Maitland-Niles, Nicolas Pepe, David Luiz, Eddie Nketiah, Granit Xhaka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here