Dowladda Soomaaliya oo Bilowday Wajiga Labaad ee Dagaalka Ayaxa.

0
229

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daahfuray wejiga labaad ee buufinta iyo la dagaallanka Ayaxa oo laga fulin doono Gobolada Koonfureed ee dalka.

30 Degmo oo ka mid ah maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa loo dhoofin doona qalabkan oo ay Wasaaradda Beeraha ugu talogashay in lagu buufiyo Ayaxa oo ay qeylo dhaan ka muujinayaan Beeraleyda Soomaaliyeed, maadaama uu waxyeelo u geystay tacabkooda.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in qalabkan uu yareyn doono dhibaatada Ayaxa uu ku hayo Beeraleyda.

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa wada dadaallo wax looga qabanayo Ayaxa oo saameyn weyn ku yeeshay Nolosha Beeraleyda qeybahooda kala duwan.

Beeraleyda Gobolada dalka Soomaaliya ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Ayaxa oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah oo sanadkaan la beeray, waxaana dadka beeraleyda ah doowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in arrinta Ayaxa wax ka qabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here