Bayern Munich oo  Dubatay dhigeeda Borussia Dortmund.

0
171

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa guul aad ugu dhibaatootay ka gaadhay naadiga ay sida weyn ugu xafiiltamaan horyaalka Bundesliga ee Borussia Dortmund, waxaanay ku garaacday 3-2.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Signal Iduna Park ee Borussia Dortmund ay iska leedahay ayaa ahayd musalsal ay goolasha iyo fursaduhuba hadh-beeleen.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 24aad ee ciyaarta, waxaana dhaliyey weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski oo kubbad ka helay Gnabry, laakiin waxa goolkan meesha ka saaray VAR oo ogaaday in jilibka Lewandowski uu kusii jiray OFFSIDE ka hor intii aanu Gnabry kubadda dhiibin.

Isla markii laga soo laabtay waqtiga nasashada ee saddex daqiiqadood oo kaliya ay ciyaartu socotay ayuu Robert Lewandowski hoggaanka u dhiibay Bayern Munich, laakiin goolkan ka hor waxa Dortmund fursad ka lumiyey Erling Haaland oo ku dhowaaday inuu shabaqa taabto daqiiqaddii 47aad.

Coman ayaa fursad qaali ah helay, waxaana uu birta ka jaray kubbad ay ka wada shaqeeyeen Muller, taas oo uu laag awood badan ku dhaafiyey goolhaye Burki hase yeeshee birta ayaa lasoo dagaallantay kubadda oo dib usoo celisay.

Leroy Sane oo beddel kusoo galay ayaa ciyaarta ka dhigay 3-1, iyadoo ay kubaddana ka wada shaqeeyeen Sane oo dhinaca kala soo galay iyo Robert Lewandowski oo caawiye uga noqday goolka.

Erling Haaland ayaa rajo aan waqti badan haysanin usoo celiyey Borussia Dortmund toddoba daqiiqadood oo ka hadhsan dhamaadka ciyaarta, waxaana uu kubbad ku hubsaday goolka uu waardiyaha ka ahaa Neuer. Kubaddan ayaa waxa si cajiib ah usoo farsameeyey caawiyaha goolka hore ee Dortmund ee Guerreiro.

Bayern Munich oo ay guushu ku raacday 2-3 ayaa si buuxda ula wareegtay hoggaanka horyaalka Bundesliga oo ay ku qabatay 18 dhibcood oo ay ka heshay toddoba ciyaarood, waxaanay laba dhibcood ka horreysaa RB Leipzig oo 16 dhibcood kaalinta labaad ku haysa, halka Borussia Dortmund ay saddexaad ku haysato 15 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here