Xiddig Real Madrid Ka Tirsan Oo Si Dhab Ah Uga Tashaday Mustaqbalkiisa Kooxdaas Kaddib Fursad La’aan Uu Zidane Kala Kulmay

0
162

JOWHAR (Radio Isnaay) Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Jovic ayaa lagu soo warramayaa inuu si dhab ah uga arrinsanayo mustaqbalkiisa kooxda kaddib markii uu hoos uga sii dhacay xulashada tababare Zinadine Zidane kulamadii ugu dambeeyay.

Suuqii xagaaga ayay ahayd markii weeraryahanka ree Serbia lagula taliyay inuu koox cusub raadsado oo uu iskaga tago caasimada Spain balse taas ayaan suurogalin.Hadda sida ay sheegayaan xogo cusubi, Luka Jovic ayaa soo fahmaya in mustaqbalkiisu uusan ahayn mid yaala Real Madrid isaga oo dookhyo kale eeganaya.

Jovic ayaan Real Madrid usoo ciyaarin tan iyo kulankii ay guuldarrada 3-2 ah kala soo kulmeen Shakhtar Donestk waxaana uu afartii kulan ee ugu dambeeyay kusoo dhammaystay kursiga keydka.

Walow uu tababare Zinadine Zidane sheego kuna adkaysto inuu markasta ku xisaabtamayo dhammaan ciyaaryahanada uu kooxda ku haysto ayay haddana xaalada Luka Jovic u muuqataa mid sidaas ka duwan.

Si kastaba waxa ku adkaan doonta Jovic inuu bisha January ka tago Madrid maadaama ay kooxdaasi doonayso inaysan wax ganacsi ah gelin bishaas oo ay sugaan ilaa xagaaga dambe.

Iyadoo uu saamayn dhaqaale oo baahsan keenay xanuunka Korona Fayras, Los Blancos oo aan suuqii dhawaana waxba soo iibsan ayaa markale meesha ka saaray inay ganacsi sameeyaan bisha January

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here