Wiilasha Trump oo Eedeyn u Jeediyay Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Labada wiil ee Trump dhalay ayaa ku dhaleeceeyey hogaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga in aanay si buuxda doorashada ugu taageerin aabahood.

Labada wiil ka weyn oo la yidhaa Trump Jnr ayaa sheegay in xisbiga Jamhuurigu aanu mawqif fiican ka qaadan sidii uu madaxweynaha Maraykanku mar labaad ugu guulaysan lahaa madaxtinimada, halka walaalkii Eric na yidhi ” dadka noo codeeyey ilooobi maayaan sidaad noola dhaqanteen adhiyahow”.

Arintaas ayaa muujinaysa sida ay u kala fogaadeen Trump iyo xisbiga Jamhuuriga ah ee uu doorashada ugu tartamayey.

Waloow aan doorashadii la soo gabogabayn, ayaa hadana waxa muuqata in musharaxa Dimuqraadiga, Joe Biden, qarka u saaran yahay inuu tartanka ku guulaysto.

Trump ayaa wacad ku maray inuu garsoorka u gudbin doono dacwad uu ku doonayo in codadka la dhiibtay dib loo tiriyo, waxaanu sheegay in ay dhaceen “falal musuqmaasuq ahi” waana eed aanu wuxuu ku caddaynayo soo bandhigin.

Senator-ka magaca leh ee ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, Mit Romney, iyo badhsaaabka gobolka Marryland oo isna ka tirsan isla xisbigaas ayaa labuba ka digay in la carqaladeeyo hanaanka dimuqraadiga ah ee dalka.

Laakiin Trump Jnr oo la rumaysan yahay inuu leeyahay han siyaaseed ayaa qarsan kari waayey sida uu ugu cadhaysan yahay xubnaha xisbiga ee hungurigu ka hayo in ay u tartamaan doorashada 2024.

Waxaanu qoraal uu ku baahiyey boggiisa Twitter-ka ku yidhi “aamusnaanta xubnahaa hunguraynaya in ay u tartamaan doorashooyinka sannadka 2024 ayaa u qaadan waa nagu noqotay”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray “Jamhuuriyiintu mawqifkoodu muddo tobanaan sano ah ba mid liita ayuu ahaa, waana sababta ay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here