Man United OO Wadahadal La Bilowday Tababarihii Ay Ku Bedeli Laheyd Macalinka Fashilmay

0
161

JOWHAR (Radio Isnaay) Manchester United ayaa wadahadal la bilowday Mauricio Pochettino si uu u noqday tababaraha cusub ee kooxda sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa sheegaya in Man United ay xiriir la sameysay wakiilada tababaraha reer Argentina.

United ayaa qaab xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan iyagoo kaalinta 15aad kaga jira kala sareynta horyaalka Premier League halka uu cadaadiska ku sii kordhay tababare Solskjaer.

Qaab ciyaareedkii ceebta ahaa ee ay Man United ku soo bandhigtay Istanbul xalay ayaa aheyd guuldaradii afaraad ee Red Devils soo gaarta sagaal kulan oo ay ciyaaraan Premier League iyo Champions League, iyadoo kooxda ay dooneyso inay qaado talaabo ay ku badbaadiso xilli ciyaareedkeeda.

Tababaraha reer Argentina Pochettino oo 48 sanno jir ah ayaa bilaa shaqo ahaa 12kii bilood ee ugu danbeysay tan iyo markii laga ceyriyay shaqada tababare ee kooxda Tottenham.

Macalinkii hore ee Southampton ayaa xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ku soo laabto shaqada tababarenimo.

Waxaa si joogta ah loola xiriirinayay shaqada tababare ee Red Devils halka sidoo kale lala xiririnayay shaqooyinka tababare ee Rel Madrid iyo kooxda Ruushka ee Zenit St Petersburg.

Pochettino oo muddo shan sannadood iyo bar ah tababare ka ahaa Tottenham ayaa haatan ugu cadcad inuu shaqada ka bedelo tababaraha reer Norway Ole Gunnar Solskjaer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here