Lionel Messi Oo Ku Kacay Fal Ka Careysiiyay Taageerayaasha Barcelona

0
163

JOWHAR (Radio Isnaay) Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa eedeyn weyn kala kulmay taageerayaasha kubada cagta ee baraha bulshada isticmaala ka dib markii uu soo baxay muuqaal muujinaya isagoo socod aayar ah ku jira xilli Dynamo Kiev ay raadineysay goolka barbaraha.

33 jirkaan ayaa gool rigoore ahaa dhaliyay iyadoo kooxdiisa ay 2-1 kaga badisay koox ay saameyn xun ku yeelatay Korona Fayras madaama ay in ka badan 10 ciyaaryahan ka maqnaayeen.

Laakiin muuqaalka oo la soo dhigay Twitter ayaa muujinaya xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or oo kubad lagu hor jiidanayo isaguna uu iska soconayo bedelkii uu raacan lahaa xilli Dynamo Kiev ay qaadeysay weerar ay ku raadinayeen goolka barbaraha.Inkastoo ay aheyd dhamaadkii ciyaarta hadana taageerayaasha ayaa ka carooday in Messi uusan muujinin wax dadaal ah oo uu ku celin karay weerarka Dynamo Kiev.

Waxay taasi keentay in lala barbardhigo xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo.

Taageere ayaa soo qoray: “Tani waa farqiga u dhaxeeya Ronaldo iyo Messi, maskixiyan ayay kala duwan yihiin.”

Taageere kale ayaa yiri: “Ronaldo waligiis sidaan ma sameeyeen.”

Jason Coward ayaa isna soo qoray: “Waxaani waa doqonimo. Waan aqbalayaa in xiddiga ugu fiican abid uu u baahan yahay inuu tamartiisa ilaashado oo uusan u ordin digaag madaxa laga gooyay.

“Laakiin tani waa wax kale, wuxuu haatan bilaabay is dhigasho weyn.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here