Hey’ada Xuquuda Aadanaha oo ka Digtay Xaaladda Dalka Ittobiya ka Jirta.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Iyada oo laga jawaabaya dhacdooyinka ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya, oo ay ka mid yihiin carqaladeynta dowladda federaalka ee shabakadaha isgaarsiinta ee gobolka”, Mausi Segun, oo ah agaasimaha Afrika ee Human Rights Watch, ayaa sidaasi yiri:

Guud ahaan dadka reer Itoobiya waxay sanadkii ugu dambeeyay la kulmeen rabshado maalinle ah iyo tacadiyo . Ilaa haatan ma jirto ficilo lagu xaliyo dhibaatooyinka aan daaha laga qaadin ee ka dhex aloosan Itoobiya, maamulka federaalka iyo kuwa maamul goboleedyaduna waa inay xaaladda amni ee soo ifbaxaya si deggan uga jawaabaan iyadoo la ilaalinayo xuquuqda dhammaan dadka Itoobiyaanka ah.

Waxaan saaxibada Itoobiya caalamka ee Itoobiya oo ilaa haatan aamusan ugu baaqeynaa iney gudbiyaan darriintan.

Xaddidaadda qadka isgaarsiinta ee gobolka Tigreega ayaa sidoo kale xaddidaya soo tebinta warbixinnada halista ah ee ku saabsan dhibaatooyinka ay shacabka kala kulmi karaan tallaabada military ee dowaddu ku dhawaaqday.

Mar sii horreeysay ayuu Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed amar ku siiyay militariga dalkiisa in ay gutaan waajibadkooda ah in dalka iyo dadka la badbaadiyo, islamarkana ay tallaabo ka qaadaan gobolka Tigrayga oo ku eedeeyay inay dagaal bilaabeen.

Rai’sul wasaaraha ayaa xisbiga TPLF ku eedeeyay inay weerareen saldhig militari oo ku yaalla gobolka.

TPLF ayaa horey waxay ugu eedeeyeen maamulka Abiy in uu marmarsiiyo ka dhiganayo feyriska Corona si uu awoodda u sii hayo maadama waqtigiisu ku ekaa bisha October.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku eedeeysay gooni TPLF inay ka dambeeyeen qulqulutooyinka ka dhacay meelo dalka ka mid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here