Jarmalka oo Bandow ku soo Rogay Goobaha ay Dadka isugutagaan.  

0
149

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afar todobaad oo bandow ah ayaa ka bilaawday Jarmalka, makhaayadaha, baararka, tiyaatarrada, shineemooyinka iyo goobaha kale ee la isugu yimaado ayaa la xiray ilaa dhammaadka bisha si loo yareeyo faafitaanka feyraska oo markale dalkaasi ku soo laba-kacleeyay.

Xayiraadaha dhaqan galay Isniintii ayaa ka fudud kuwii Jarmalka ay kusoo rogeen wajigii koowaad ee masiibada bilihii Maarso iyo Abriil. Markan, iskuulada, dukaamada iyo timo-jarayaasha waa ay sii furnaan doonaan.

Hoggaamiyaha Jarmalka iyo madaxda gobollada waxa ay dib u eegis sameyn doonaan 2 toddobaad kaddib si ay u kor dhiyaan muddada haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Xayiraadaha ayaa dhaqan galay Isniintii iyadoo lasoo saaray in meelaha la isugu yimaado aysan ka badnaan dadka imanaya 10 qof oo kaliya, dadka Jarmalka ahna waxaa looga digay safarrada, sidoo kale hoteellada ayaa lagu amray in aysan degi karin dad dalxiisayaal ah.

Tirada guud ee Covid-19 Jarmalka ugu geeriyooday ayaa ah in ka badan 10,500 oo qof, halka kiisaskuna ay gaareen in kabadan 550,000 oo kiis.

waxaa laga soo badbaadiyay dhisme dumay oo ku yaal magaalada Bayrakli ee dalka Turkiga, halkaas oo ah meesha ugu daran ee uu saameeyay dhulgariirkii cabirkiisu ahaa 7.0 ee ku dhuftay Turkiga galabnimadii Jimcaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here