Biyo Xireenka Itoobiya oo Ka Qeyb qaadanaya Xakameynta Daadadka Suudaan.

0
155

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Daadadkii aan hore loo arag ee Sudan sannadkan ku soo rogmaday waxa ku dhintay in ka badan 100 qof, waxaana ku dhibaatoobay in ka badan 875,000 qof oo kale.

Markii webiga Niil gabiyada jabsaday, xaafado dhan ayaa daadadku qaadeen waxaanay sidoo kale gooyeen biyihii nadiifta ahaa iyo laydhkii. Waa daadadkii ugu badnaa ee inta la ogyahay taariikhda webiga Niil ka soo fataha.

Khubarada qaarkood ayaa sheegay in hadii biyo-xidheenka Itoobiya ay dhisaysaa uu si buuxda u hawl galo, in ay yaraan doonaan daadadka Sudan khasaaraha u keenaa.

Itoobiya waxay ka bilowday dhismaha biyo-xidheenka dhanka dalkeeda ka soo bilaabma oo biyaha webiga 85% ka soo rogmadaan sannadkii 2011, waxaana sannadkan la bilaabay in biyaha lagu weeciyo oo la buuxiyo harada biyo-xidheenka.

Kolka uu si buuxda u shaqo bilaabo muddo dhawr sanadood dabadood ah waxa uu noqon doonaa biyo-xidheenka ugu weyn Afrika ee soo saara quwadda laydh tiriigga.

Laakiin waxaa ka dhashay khilaaf ah walaac ay qabto Masar oo ka cabsi qabta in biyo-xidheenkaasi biyaha ay ka hesho webiga ka yareeyo.

Hase yeeshee Dr. Salmaan Maxamed oo ah khabiir Sudani ah oo ku takhusay sharciga caalamiga ah ee biyaha iyo siyaasadda, ayaa sheegay in biyo-xidheenka Aswan ee Masar muujiyey sida daadadka fatahaadaha wbiga Niil si fiican loogu xakamayn karo biyo-xidheennada.

“Dad iyo duunyo balaayiin lacag ah ayaanu ku weynay daadadka, laakiin bal eeg Masar oo aan wax khasaare ahi gaadhin sababtuna waxa weeyi in biyo-xidheenkooda weyn uu qabtay daadadkii. Anagu biyo-xidheen kaaso oo kale ah ma lihin laakiin biyo-xidheenka Itoobiya ayaa masiibadaas oo kale naga dabbaali doona” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here