Jilaagii Caanka ahaa ee Jeems Boon oo Geeriyooday.

0
183

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Jilaagan geeriyooday oo ka soo jeeda Scotland wuxuu filimaanta uu ku jili jiray magaca jilliinka ee James Bond, wuxuuna si aad ah uu ugu soo caan baxay filimki sirdoonka ee la magac baxay 007.

Wiil uu dhalay Sir Sean, ayaa sheegay aabbihii sida uu u seexday inuu ka soo kicin uuna ku geeriyooday Bahamas , balse xilliyadi u dambeeyey ay xaaladdiisu wanaagsaneen.

Jilaagan geeriyooday oo in ka badan 50 sano jilidda filimaanta ku soo jiray wuxuu muteystay abaalmarinno caalami ah, isaga oo sanaddi 1988-ddii la guddoonsiiyey abaalmarinta Oscar.

Filimaanta caanka ah ee lagu xusuusanayo Sir Sean’s (James Bond) waxaa ka mid ah The Hunt for Red October, Highlander, Indiana Jones, the Last Crusade iyo The Rock.

Jason Connery wuxuu sheegay “aabbihii xilliga uu geeriyoonayey iney la joogeen xubno qoyskiisa ka tirsan, uuna ku geeriyoday magaalada Nassu oo Bahamas ka tirsan oo uu horay ugu jilay filimka ‘Thunder ball’.”

Maalin muruga leh ayay u tahay cid kasta oo garaneysay iyo cid kasta oo abbahay jecleyd, dadka dunida ku noolna waxaa ka baxay qof qaali ku ah oo uga tagay hadiyado qaali ah uu jilitaankiisa ku goddoonsiiyey.”

Wuxuuna Sir Sean Connery uu ka tagay xaaskiisa iyo wiilashiisa oo kala ah Jason iyo Stephane.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Daniel Craig oo haatan filimaanta ku matala magaca James Bond, wuxuu sheegay Sir Sean inuu ahaa “mid ka mid ah shaqsiyaadki dhinaca jilitaanka filimaanta ugu mudnaa”.

“Sir Sean Connery waxaa lagu sii xasuusan doonaa magaca James Bond iyo waxbadan uu nooga tagay” ayuu yiri.

REUTERS

Sir Sean filimki ugu horreeyey uu jilay wuxuu ahaa ‘No Road Blocks’ oo uu jilay 1957-kii, halka filimkiisi ugu dambeeyeyna uu ahaa ‘Sir Billi’ oo uu jilay 2012-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here