Tahriibayaashii Ugu Badnaa Sanadaan 2020 oo Hal Shil ku Wada Geeriyooday.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ugu yaraan 140 tahriibeyaal ah oo kusii jeeday qaaradda Yurub ayaa biyaha ku dhintay kaddib markii doon ay saarnaayeen qiyaastii 200 oo ruux ay ku dagtay meel ka baxsan xeebaha Senegal, sida ay xaqiijisay Qaramada Midoobay.

Doonta oo uu markii hore dab qabsaday ayaa Sabtidii ku quustay biyaha, waxyar kaddib markii ay ka baxday magaalada laga kalluumeysto ee Mbour, sida ay ku warrantay hay’adda caalamiga ah ee socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay, oo marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno IOM.

Qiyaastii 60 qof ayaa la badbaadiyay sida lagu sheegay warbixinta.

Waxaa la aaminsan yahay in qaxootiga safrayay ay isku dayayeen inay gaaraan dhulka Yurub iyagoo sii maraya jasiiradaha Spain.

Marin biyoodkan halista ah ee kasoo baxa ilaa Galbeedka Afrika ayaa soo shaac baxayay tan iyo sanadkii 2018-kii.

Musiibada dhacday Sabtidii waxay noqotay tii ugu dhimashada badneyd ee caalamka ka dhacday sanadkan 2020-ka gudihiisa, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waxaan ku baaqeynaa inay midoobaan dowladaha, hay’adaha iyo beesha caalamka si loo yareeyo tahriibinta dadka islamarkaana loo burburiyo shabakadaha dadka safriya ee ka faa’iideysta dhalinyaradaha nolol raadiska ah,” ayuu yidhi Bakary Doumbia, oo ah wakiilka IOM u qaabilsan waddanka Senegal.

 

Sida laga soo xigtay dowladda Spain, in ka badan 11,000 oo qof ayaa sanadkan gudihiisa tagay jasiiradaha Canary, tiradaas ayaana aad uga badan tii la diiwaan galiyay sanadkii hore xilligan oo kale oo ahayd 2,557 ruux.

 

Mar ay tirada dadka marin biyoodkaas ku safra aad u badatay sanadkii 2006-dii waxay gaartay 35,000 oo qaxooti ah oo gaaray archipelago, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

 

Ugu yaraan 414 ruux ayaa la ogyahay in ilaa hadda ay ku geeriyoodeen marinkaas, sida lagu xusay warbuixinta kasoo baxday IOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here