Midka Fiican Ronaldo Iyo Messi, Xiddigii Ugu Adkaa Ee Uu Kahor Tagay Lampard

0
168

JOWHAR (Radio Isnaay) Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa soo xushay shaxda toddoba geesoodka ah ee xiddigaha ugu fiican ee uu abid kahor tagay waayihiisii ciyaaryahanimo ee quruxda badnaa.

42 sano jirkan ayaa intii uu garoomada ku jiray kahor tagay qaar kamida xiddigaha ugu fiican ee abid kubadda cagta ciyaaray, isaga oo ka hadlaya barnaamij ay shirkada Hyundai qabato ayaa magacaabay shax aad u weerar badan.Lampard oo doornaya shaxdiisa shan geesoodka ah ayaa yidhi “Waa Neuer, Rio (Ferdinand), Steven Gerrard, Zidane, Messi iyo Ronaldo”

Lampard ayaa Neuer kahor tagay koobkii aduunka ee 2010 iyo waliba Final-kii Champions League ee 2012 iyagoo labaduba kala guuleystay dhawr mar.

Dhinaca kale Frankie ayaa kulamo badan oo horyaalka ah ku wajahay Gerrard iyo Ferdinand oo ay xulka England ka wada tirsanaayeen halka uu Yurub kula soo dagaallamay Zidane iyo Ronaldinho.

Sidoo kale Lampard oo la weydiiyay inuu kala doorto xiddigaha ugu fiican jiilkan ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa doortay xiddiga Barcelona ee Messi.

“Waxaan dooranayaa Messi aniga oo ku dooranaya hibadiisa dabiiciga ah ee badhaxtiran, laakiin waxa uu Ronaldo sameeyay gabi ahaanba waa cajiib”

Ugu dambayn, Lampard oo la weydiiyay inuu doorto xiddiga ugu adag ee uu kahor tagay ayaa si wadajir ah u doortay xiddigaha uu shaxdiisa ka reebay ee Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta.

“Labada aan magacaabayo marka aan leeyahay kuwaan kahor tagay waa Xavi iyo Iniesta oo Barcelona joogay, waxay ahaayeen ciyaaryahano cajiib ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here