Mareykanka oo ka soo horjeestay in haweeneydii ugu horreysay oo Afrikaan ah ay hoggaamiso Ururka Ganacsiga Adduunka.

0
174

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareykanka ayaa ka soo horjeestay magacaabidda wasiirkii hore ee dhaqaalaha ee Nigeria inay hoggaamiso Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Guddiga magacaabidda ee WTO ayaa usoo jeediyay 164-ta xubnaha ka ah ururka inay soo magacaabaan Ngozi Okonjo-Iweala.

Waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay isla markaana Afrikaan ah oo hoggaamisa WTO.

Balse Mareykanka, oo cambaareeya sida WTO uu u maarreeyo ganacsiga adduunka, ayaa doonaya haweeneyda ka soo jeedda Kuuriyada Koofureed, Yoo Myung-hee, isagoo sheegay inay isbeddel ku sameyn karto ururka.

Ms Okonjo-Iweala ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in loo magacaabo hoggaaminta ururka.

Balse hannaanka afarta bilood qaadan doona ee soo xulista qofka noqon doona agaasimaha guud ee WTO ayaa waxaa ku hor gudban caqabad, kaddib markii xukuumadda Washington ay sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay u heyso wasiirka ganacsiga Kuuriyada Koofureed.

Madaxweyne Donald Trump ayaa hore WTO ugu tilmaamay inuu u janjeero dhanka Shiinaha, wuxuuna hor istaagay dad doorar muhiim ah looga magacaabay ururka.

Madaxii hore ee WTO ayaa xilka ak degay horraantii August sanadkii hore.

Ms Okonjo-Iweala, oo 66 jir ah, waxay dalkeeda Nigeria ka soo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee wasiirka dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here