Maamulka Xaafada Kulmis ee Magaalada Jowhar oo Baaq u Diray Hirshabeelle.

0
158

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Bulshada Ku Nool Degaanada Gobolka Shabeellaha Dhexe Ayaa Ka Faa’iideysta Munaafacaadka Biyaha Wabiga Shabeelle Balse Mararka Qaar Waxaa Dhibaato ay Ku Qabaan Dadka Degan Hareeraha Wabiga Shabeelle Biyo Kasoo Burqada Nawaaxiga Wabiga kuwaas oo ay Bulshada Magaalada Jowhar u Taqaan Siimow.

Xaafada Kulmis oo Ka mid ah Xaafadaha Magaalaada Jowhar ayaa Waxaa Saameyn Ku Yeeshay biyo kasoo burqaday Meelaha ka Agdhow Wabiga Shabeelle Taas oo keentay in Tiro Qoysas ah ay ka Barakacaan Guryahooda Sida uu Idaacadda Isnaay u Sheegay Yaxye Xasan Shiikh oo ah Gudoomiya Xaafada Kulmis.

Warbixintan Waxaa Inoo Diyaariyay :- Cabdi wali Axmed Hilowle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here