Golaha Deegaanka Warshiikh oo Soo Dhaweeyay Dib u Habeynta Cisbitaalka Degmadaasi.

0
146

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Isbitaalka guud ee Degmada Warshiikh ee Gobolkani Shabeellaha Dhexe ayaa dib u habeyn lagu Sameeyay Dhowr bilood ka dib Markii uu Howlgab ahaa Waxaana Arintani Si Weyn U soo Dhaweeyay Bulshada Degmadaasi.

Gudoomiyaha Gollaha Deegaanka ee Degmada Warshiikh Xasan Xaaji Axmed Darafey ayaa Sheegay in aysan dhicidoonin in hakad uu ku yimaado howlaha ka socda isbitaalka guud ee Degmadaasi isaga oo tilmaamay in uu utaaganyahay ka shaqeynta horumarinta adeegyada Bulshada Warshiikh.

Warbixintan Waxaa Inoo Soo Jeedinaya :- Cabdi Casiis Xasan Cabdulle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here