Jordan Henderson Oo Isku Dayey Inuu Liverpool Ka Joojiyo Inay Lasoo Saxiixato Fabinho

0
173

JOWHAR (Radio Isnaay) Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa isku dayay inuu Liverpool ka joojiyo inay lasoo saxeexato laacibka reer Brazil ee Fabinho, waxaanu u tegay tababare Jurgen Klopp si uu ugu qanciyo in aanu laacibkan keenin Anfield.

Henderson oo udub-dhexaad u ahaa Liverpool xili ciyaareedkii hore, ila markaana ahaa mishiinka kala hagayay kubbadaha khadka dhexe ee sababta u noqday in kooxdiisu ay ku guuleysato tartanka Premier League oo muddo 30 sannadood ah ay ka qatanayaayeen, ayay hadda soo baxeen xogo layaab leh oo ku saabsan qorshe ka fashilmay oo uu ku doonayay inaan kooxda la keenin Fabinho.Kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Fabinho ayaa isaguna tiir-dhexaad adag ahaa, waxaana uu difaaca hortooda ka samaynayay naf-hurnimo iskugu jirtay inuu isku dhigo khatarta goolkiisa ku socota iyo inuu kubadda dhiso, taas oo siisay Henderson inuu hore ugu socdo khadka dhexe oo uu weeraryahannada la shaqeeyo.

Henderson oo Liverpool ay kasoo qaadatay Sunderland ayaa hore uga ciyaari jiray booska uu Fabinho hadda uga ciyaaro Liverpool, waxaanu u arkayay in laacibka reer Brazil oo yimaadda Anfield uu isaga khatar ku yahay oo uu booska kala baxayo, taasina halis gelinayso fursaddiisa kooxda.

Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Jordan Henderson waxa uu rumaysnaa in Fabinho uu khatar shaqsi ah ku yahay, waxaanu la kulmay tababare Klopp oo uu u sheegay in aanay jirin wax looga baahan yahay Fabinho, balse ay tahay inay ciyaartooyo kale oo dhexda hore iyo boosaska kale ah lasoo saxeexdaan.

Warkan layaabka leh ee uu wargeyska The Athletic uu qoray ayaa soo baxaya xilli uu Fabinho ka ciyaarayo difaaca dambe ee Liverpool oo uu buuxinayo booska uu ka dhaawacmay Virgil van Dijk oo inta ka dhiman xili ciyaareedka oo dhan maqnaanaya, taas oo ka dhigan inay suurtogal tahay in laacibka reer Brazil uu isaguna xili ciyaareedkan ku dhamaysto difaaca.

Si kastaba, Jordan Henderson oo intii uu socday xili ciyaareedkii hore warbaahintu weydiisay isbeddelka ku dhacay booskiisii hore ee difaaca hortooda ayaa waxa uu qirtay in halka uu hadda ka ciyaaro ee dhexda hore ay uga wanaagsan tahay halkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here