Mareykanka oo Ansixiyay Daawo loogu Talagalay in lagu Dabiibo Corona Virus.

0
153

Jowhar – (Radio Isnaay) – Dawadan waxaa la siin doonaa bukaannada ku jira isbitaallada, hasayeeshee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO) waxa ay sheegaysaa in waxatarkeedu uu yar yahay.

Hay’adda dawooyinka u qaabilsan Mareykanka waxa ay meel marisay in bukaannada isbitaallada u jiifa cudurka Covid-19 lagu dabiibi karo dawada remdesivir.

Hay’adda maamusha Cunnada iyo Dawooyinka ee Mareykanka (FDA) ayaa sheegtay in Veklury, oo ah magaca ganacsiga ee dawada, oo celcelis ahaan shan maalmood ka yareyneysa waqtiga ka soo kabsashada cudurka, taas oo la ogaaday intii ay socotay tijaabada daweynta.

“Veklury waa dawadii ugu horraysay ee lagu dabiibo fayraska Covid-19 oo FDA ay meelmariso,” sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay FDA.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay todobaadkii hore sheegtay in dawada remdesivir aanay wax wayn ka tari karin badbaadada bukaannada.

WHO ayaa sheegtay in arrintaas ay ka dhalatay daraasad ay samaysay – balse shirkadda Gilead ee dawadaas samaysay waxa ay diidday xogtaas ay hay’addu shaacisay.

Isticmaalka Remdesivir ayaa la ogolaaday bishii May, waxaana loo adeegsanayay xaaladaha degdega ah oo kaliya ee gudaha Mareykanka.

Waxaa dhawaan la siiyay Madaxweyne Donald Trump kaddib markii laga helay cudurka Covid-19, wuuna ka kabsaday xanuunka coronavirus.

Bayaanka ayey FDA ku sheegtay in dawada Khamiistii la ansixiyay “in la siiyo dadka waa wayn iyo carruurta bukaanka ah ee 12 jirka ah iyo kuwa ka wayn iyo dadka ugu yaraan miisaankoodu uu yahay 40 kiilo-garaam, kuwaas oo isbitaallada looga dabiibayo cudurka Covid-19”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here