Obaama oo Si Weyn U Weeraray  Madaxweyne Trump.

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, iyo ninka uu xilka kala wareegay, Barack Obama, ayaa waxa ay isu soo jeediyeen cambaarayn kulul intii ay socdeen isu soo baxyo iska soo horjeeda oo ay qabteen.

Isagoo si kulul ugala hadlayay gobolka Pennsylvania taageerayayna musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga, ayuu Mr Obama waxa uu Trump ku tilmaamay “adeer wareersan”, isagoo intaas ku daray inuu dhiirigalinayo cunsuriyiinta.

Waxa uu sheegay in haddii Mr Biden uu guulaysto, “uusan noqon doonin madaxweyne sida uu rabo u dhaqmo oo qofkii aanan taageerin caaya, ama ku handado inuu xabsiga dhigi doono. Taasna ma ahan hab dhaqan caadi ah oo madaxweyne.”

Mr Obama – oo weli ka mid ah xubnaha ugu caansan Xisbiga Dimuqraadiga – ayaa sheegay in codbixiyayaasha aanay u dulqaadanayn hab dhaqan noocaas ah hadduu la yimaado qof qoyska ka tirsan, “malahayga adeer wareersan oo meel uun jooga mooyee”.

Waxa uu intaas ku daray: “Habdhaqanka waa muhiim. Dabeecaddu waa muhiim.”

Mr Obama ayaa madaxweynaha waxa uu ku weerraray habka uu ula tacaaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19: “Donald Trump annagoo dhan cudurka nagama ilaalin karo. Xitaa ma qaadi karo tallaabooyinka asaasiga ah ee uu nafsadiisa ku ilaashan karo.”

Ku dhawaad 280 gaari oo taallay meesha la dhigo gawaarida ayaa hoonkooda la yeerinayay, arrintaas oo ay ugu riyaaqayeen habka Mr Obama uu u weerrarayay Trump.

Mr Obama ayaa ololaha xiga ee doorashada waxa uu ka gali doonaa gobolka muhiimka u ah doorashada ee Florida, isagoo Sabtida tegi doona Miami halka todobaadka xigana uu ku wajahan yahay Orlando.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here