Heshiiska Hubka Niyukleerka Ruushka iyo Mareykanka oo la Cusbooneysiinayo.

0
220

Jowhar –  ( Radio Isnaay ) – Waxaa jirta rajo ah in heshiiskii u dambeeyay ee hubka nukliyeerka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ruushka la kordhin karo ka dib markii Washington ay sheegtay inay dooneyso inay si dhakhso leh u dhameystirto heshiiska.

Heshiiskaan oo la saxiixay sanadkii 2010-kii ayaa xadidayay tirade madaxyada qaada Nukliyeerka.

Balse mustaqbalka wuxuu galay khatar iyadoo ay jiraan xiisado u dhexeeya labada dal oo ku saabsan xakameynta hubka iyo arrimo kale.

Billooyin wadahadallo ah ayaa hadda u muuqda in horumar laga gaaray .

Bayaan ka soo baxay dowladda Ruushka Talaadadii ayaa lagu sheegay in Ruusku uu soo jeedinayo in la kordhiyo heshiiska kaas oo wakhtigiisu ku egyahay bisha Febaraayo ee sanadka soo soo socda.

Mareykanka ayaa horey u diiday wax kordhin kasta .

Waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa soo dhaweysay dalabkan cusub, iyadoo sheegtay inay ku qanacsan tahay “rabitaanka Ruushka ee ah inuu horumar ka sameeyo arrinta xakameynta hubka nukliyeerka.

Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu si deg deg ah ula kulmo mas’uliyiinta Ruushka si loo dhameystiro heshiis la xaqiijin karo ,” ayay tiri haweeneyda afhayeenka ka ah wasaaradda arrimaha dibada Mareykanka oo lagu magacaabo Morgan Ortagus.

Haddii aanu jirin heshiiskaan khuburadu waxaa ay sheegayaan in labada dhinacba ay ku dhiiro karaan arrimo khatar kenei kara oo la xiriira hubka nukliyeerka.

Sannadkii hore, Mareykanku wuxuu si rasmi ah uga baxay heshiis kale oo muhiim aha oo nukliyeer ah oo lala galay Ruushka kaas oo mamnuucaya gantaallada ridada dheer.

Washington iyo Milatariga Isbahaysiga Nato ayaa Ruushka ku eedeyay jabinta qodobbo ka mid ahaa heshiiska balse Ruushka ayaa beeniyay eedaas iyagoo sheegay in heshiisku uu “rasmi ahaan u burburay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here